Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo ugu baaqay guddoomiyaha gobolka New York inuu is-casilo


Guddoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo
Guddoomiyaha gobolka New York Andrew Cuomo

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolkaas Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysnaa inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Jose Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska.

Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

Haddaba faahfaahinta eedaha guddoomiye Cuomo loo jeediyey iyo ciqaabta ka dhalan karta ayaa Maxamed Cabdi Sandhere ka wareystay Faysal Dari oo arrimaha Maraykanka ka faalooda, kuna sugan gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.

Madaxweyne Biden oo ugu baaqay guddoomiyaha gobolka New York inuu is-casilo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:52 0:00


XS
SM
MD
LG