Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madagascar oo 21 qof oo kale u xirtay shirqool lagu dili lahaa madaxweyne Rajoelina


Madagascar ayaa xirtay 21 qof oo kale oo la tuhunsan yahay, oo ay ku jiraan 12 shaqaale militari ah, kuwaasi oo lala xiriirinayo shirqool lagu dili lahaa madaxweyne Andry Rajoelina, laguna ridi laha dowladda, waxaa sidaas Axaddii sheegtay sarkaal sare oo ka tirsan dacwad oogista.

Lix qof, oo mid ka mid ah uu yahay muwaadin Faransiis ah, ayaa bishii tagtay loo xiray tuhun ku saabsan inay ku lug leeyihiin shirqoolka, kadib wax ay saraakiisha ku qeexeen baaritaan bilo socday.

Shaqaalaha militari ee la xiray ayaa waxaa ku jiray shan jeneraal oo ka tirsan ciidamada, laba kabtan iyo shan sarkaal oo kale, sida ay sheegtay Berthine Razafiarivony, oo ka tirsan maxkamadda racfaanka ee Antananarivo.
Ma aysan shaacin aqoonsiga dadka la xiray.

Afar qof oo ah ajaaniib howlgab ah iyo shan muwaadin ayaa sidoo kale la xiray, waxaana qaar ka mid ah ay ku jiraan gacanta booliska, sida ay sheegtay Berthine Razafiarivony.

“Caddeymaha muuqda ee ku jira gacanta dambi baarayaasha waa kuwa xooggan, waxayna suurta-geliyeen in la aqoonsado kuwa ka dambeeya howlgalka,” ayey tiri Razafiarivony.

Madagascar ayaa waxay leedahay taariikh qalalaase siyaasadeed ah. Rejoelina ayaa xukunka dalka 26-ka milyan qof ay ku nool yihiin wuxuu afgambi ku qabsaday 2009-kii, isaga oo riday Marc Ravalomanana.

Wuxuu madax ka ahaa dowlad ku-meel gaar ah illaa 2014-kii, wuxuuna 2018-kii ku adkaaday doorasho madaxweyne oo uu la galay Marc Ravalomanana, kaasi oo sheegay in lagu shubtay.

Reuters

XS
SM
MD
LG