Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?


Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi
Rooble, Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiskiisa.

Sida lagu sheegay qoraalka, kulanka ayaa looga hadlay xal
uu Ra’iisul Wasaaraha ka sugayay labada mas’uul, oo ay heshiis ku yihiin, kuna aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi.

Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ayaa u kala jabay laba garab, waxayna kala doorteen laba hoggaan, ayada oo guddigan weli uu yahay midka kaliya ee doorashada ee weli ay caqabad ka taagan tahay.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Heshiis la’aanta guddigan ayaa hortaagan inay billaabato doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobollada waqooyi.

Doorashada Aqalka Sare ayaa Khamiistii si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo, halkaasi oo lagu doortay afar ka mid ah xubnaha kasoo galaya Jubaland. Sidoo kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa berri qabanaya doorashada shan kursi.

XS
SM
MD
LG