Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn mar kale maanta ka dhacday gobolka Mudug


Drone
Drone

Duqayn cirka ah ayaa mar kale maanta ka dhacday deegaanka Qaycad ee gobolka Mudug oo fariisin ay ku lahaayeen maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen VOA.

Saraakiil ka tirsan maamulka Galmudug oo ku sugan Qaycad iyo Bacaadweyne ayaa VOA u xaqiijiyay in laba gantaal lagu dhuftay deegaanka Qaycad oo Al-Shabaab ay fariisimo ku lahaayeen, islamarkana ciidamada Galmudug ay u suurta-gali waysay inay gudaha ugalan deegaanka.

Weli lama oga khasaaraha kooxda Al-Shabaab kasoo gaaray duqeynta.

Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laba duqeyn oo is-xigay ay ka dhaceen inta u dhaxeysa deegaanada Bacaadweyne iyo Camaara oo ka tirsan Mudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay, in labada duqeyn oo kala dhacay 10:22am iyo 11:01am, ay burburiyeen maleeshiyo Al-Shabaab ah oo dagaal kula jiray ciidamada Danab iyo Ciidamada Xoogga dalka.

Qoraalka ayaa intaas ku daray inaysan jirin wax khasaare ah oo rayidka kasoo gaaray duqeyntan.

Duqaynta maanta ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddex toddobaad gudahood.

Labadii duqeyn ee horey ayaa waxaa fuliyey Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africom, hase yeeshee weli lama shaacin cidda fulisay duqeymaha maanta.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdiwaaxid Macallin Isxaaq.

Duqeyn mar kale maanta ka dhacday gobolka Mudug
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:17 0:00


XS
SM
MD
LG