Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa loo qaban la'yahay doorashada Aqalka Sare?


Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada
Ra'iisul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada

Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaanay weli caddayn xiliga ay rasmi ahaan u bilaabanayso iyadoo la filayey inay doorashadu dhacdo inta u dhaxaysa 25-28 July 2021.

Maamullada Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed, Galmudug iyo HirShabelle ayaan weli daabicin liiska musharraxiinta u tartamaysa kuraasta Aqalka Sare.

Sidoo kale, ma cadda xilliga diiwaan-gelinta loo samayn doono musharraxiinta iyo jadwalka khudbadaha musharraxiinta ay ka horjeedin doonaan Aqallada Baarlamaannada maamul goboleedyada oo iyagu soo dooran doona xubnahan.

Dhinaca kalena xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maamulaya doorashadan ayaan weli si rasmi ah uga hadlin sababta ay doorashadu u bilaaban weyday 25-kii bishan.

Sidoo kale xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu kama hadlin in la xalliyey iyo in kale muranka u dhexeeya guddiga dorashada soo xulaya xubnaha Somaliland.

XS
SM
MD
LG