KISMAAYO —
Guddiga Doorashooyinka Qaran ee Soomaaliya ayaa ku sugan magaaladda Kismaayo oo ay shaley gaareen, halkaasi oo la filayo inay ka billaabato doorashada xildhibaanada Aqalka Sare.
Waxaa guddiga oo uu wehlinayo guddoomiyaha guddiga doorashada ay u joogaan magaaladda Kismaayo inay ka gudbiyaan maamulka Jubaland Xubnaha uga qeybgalayo Aqalka Sare ee Soomaaliya.
Guddiga ayaa la filayaa in maanta ay la kulmaan madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Wariyaha VOA ee Kismaayo, Aadan Maxamed Salaad, ayaa warbixin arrintaas ku saabsan kasoo direy magaalada Kismaayo.
Facebook Forum