Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qubrus: Erdogan oo qaaday tallaabo ka careysiisay Midowga Yurub iyo Mareykanka


erdogan cyprus
erdogan cyprus

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Talaadadii ku adkeystay xal laba-dal ah oo laga hirgeliyo Qubrus, isaga oo taageeray qorshe qeyb ahaan dib loogu furayo magaalo ay firaaqeeyeen dadka Qubrusta Giriigga ah.

Khudbad uu Erdogan ka jeediyey waqooyiga magaalada kala qeybsan ee Nicosia ayaa astaan u noqotay tallaabo loo qaaday dib u furista magaalada cidlada noqotay ee Varosha, taasi oo ka hor-imaneysa qaraarka QM iyo diidmada Midowga Yurub.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad lagu xusayey 47 guuradii qabsashada Turkey ee jasiiraddan kala qeybsan, ayaa Erdogan wuxuu weeraray isku dayada guul-darreystay ee QM ay ku mideyneyso labada Qubrus, isaga oo yiri “Ma hayno 50 sano oo kale oo aan khasaarino.”

“Wax horumar ah lagama gaari karo wada-xaajoodyada haddii aan la qirin inay jiraan laba shacab iyo labad dal oo isku xuquuq ah,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Jasiiradda ayaa u kala qeybsan Jamhuuriyadda Qubrus oo ay maamulaan dad Greek ah, iyo Jamhuuriyadda Turkish-ka ee Waqooyiga Qubrus, oo ay aqoonsan tahay kaliya Ankara.

Hoggaamiyaha Qubrus-ta Turkish-ka Ersin Tarar, oo ay xulufo yihiin Erdogan, islamarkaana taageera xal laba dal ah intii labada Qubrus la mideyn lahaa, ayaa sheegay in si billow oo ah 3.5 % magaalada Varosha looga saarayo xaaladda militari.

Khudbadda Erdogan ayaa aad uga careysiisay diblomaasiga ugu sarreeya Midowga Yurub Josep Borrell, oo sheegay in tallaabadaas ay tahay “mid aan la aqbali karin, oo hal dhinac ah.”

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa durba u jawaabtay, kuna eedeysay Borrell “inuu u dhaqmayo sida afhayeenka iyo ololeeyaha maamulka Qubrusta Giriigga ah.”

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa cambaareysay qorshaha Tarar iyo Erdogan, ayada oo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken uu bayaan uu soo saaray ku sheegay in tallabaadaas “ay si cad u waafaqsaneyn” qaraarada Golaha Ammaanka QM.

“Dowladda Mareykanka waxay ficillada Qubrusta Turkish-ka ah ee Varosha, ayada oo taageero ka heleyso Turkey, u aragtaa daandaansi, aan la aqbali karin, oo aan la jaanqaadi karin ballan-qaadyadoodii hore ee ahaa inay si wax ku ool ah uga qeyb-galayaan wada-hadallo xal ah,” ayuu yiri Blinken.

AFP

XS
SM
MD
LG