Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanyare oo digniin culus u diray ganacsatada lacagaha 'baadda ah siiya' Al-Shabaab


Guddomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Cabdilatiif Muuse Nuur (Sanyare) ayaa sheegay in ganacsatada magaalada Gaalkacyo ay ka doonayaan inay qeyb ka noqdaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab, isagoo ugu hanjabay ganacsadihii lacago baad ah siiya Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadayaan.

Guddoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in ay xidddada u siibeen shabakaddii Shabaab u qaabilsaneyd magaalada Gaalkacyo taas baddalkeedana ganacsatada looga baahan yahay inay ka digtoonaadaan u hogaansanaanta awaamiirtooda.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Mursal Samakaab oo khadka telefoonka ee magaalada Gaalkacyo kula xiriiray ayaa waraysigan la yeeshay.

Guddoomiyaha Mudug oo farriin u diray ganacsatada lacagaha 'baadda' ah siisa Al-shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:46 0:00


XS
SM
MD
LG