Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaalka gobolka Tigray oo ku faafay gobollada deriska la ah


TDF
TDF

Mucaaradka gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Afar, waxaa sidaas Axaddii sheegay afhayeen u hadlay, taasi oo furtay furrin cusub oo dagaal ah.

Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in “howlhgalka oo ahaa mid kooban,” lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromia oo isku urursanayey xuddda Tigray iyo Afar.

“Waxaan tallaabooyinkan u qaadnay si aan u xaqiijino in ciidamadaas dib loogu celiyo gobolka Oromia, waana ku guuleysanay middaas,” ayuu yiri Getachew, oo intaas ku daray inuu jiray khasaare, balse uusan sheegi karin tirada.

“Howlgalkeena wuxuu ahaa mid aad u kooban, oo lagu kala eryeyey maleeshiyo cayayaan ah oo ka yimid Oromia oo badankood lagu qasbay dagaalkan aan macnaha laheyn.”

Afhayeen u hadlay gobolka Afar kama jawaabin codsi la doonayey inuu arrintan uga hadlo.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda. Maamulka Afar kama mid ah maamullada sidaas sheegay.

Warbaahinta dowladda Ethiopia ayaa shalay daabacday bayaan ku eedeeyey TPLF inay is-hortaageen gargaarka loo wado gobolka ee la marsiinayo gobolka Afar, ayaga oo adeegsanaya “duqeymo culus” iyo “hubka artillariga.”

Getachew waa uu beeniyey in wax gargaar gaarsiin ah la is-hortaagay.

AFP

XS
SM
MD
LG