Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rooble: Waan soo Dhaweynayaa jadwalka cusub ee Doorashada


Maxamed Xuseen Rooble
Maxamed Xuseen Rooble

Ra'isul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay jadwalka cusub ee uu soo saaray guddiga doorashada dadban ee heer Federal, kaas oo guddigani uu ku sheegay in soo gudbinta liiska musharraxiinta Aqalka Sare ay billaabaneyso maanta oo Sabti ah.

“Waxaan soo dhaweynayaa oo bogaadinayaa jadwalka ay shaaciyeen guddiga maamulka doorashooyinka ee heer federaal, kaas oo si faahfaahsan u qeexaya xilliyada iyo qaabka ay u dhaceyso doorashada Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xaafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warka soo baxay xaafiiska Ra'isul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu sheegay in Rooble habsami u socodka hannaanka doorashada uga mahadceliyay dowlad goboleeyada iyo taageerada beesha caalamka.

Guddiga Doorashada ayaa shalay qoraal ay soo saareen ku sheegay in la gudagalay doorashada labada aqal ee Baarlamanka Soomaaliya, lana qaban doono doorashada xubnaha Aqalka Sare 25-28ka July 2021.

Qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada ayaa sidii kale lagu sheegay in natiijada doroashada Aqalka Sare oo ay dooran doonaan baarlamaannada dowladda goboleeyda la shaacin doono Kowda August, 2021.

Jadwalka cusub ee guddiga doorashada ayaa sidoo kale lagu xusay in doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka la qaban doono inta u dhexeysa 12-ka September ila Labada October, 2021.

XS
SM
MD
LG