Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amiir iyo 12 ka mid ah qoyskiisa oo la afduubtay


Rag hubaysan ayaa saacadihii hore ee Axadda maanta ah Waqooyiga gobolka Kaduna ee dalka Nigeria ka afduubtay amiir iyo 12 xubnood oo qoyskiisa ah, sida ay wakaaladda wararka AFP ka soo xigatay qoyskiisa, waxaana uu noqonaa ruuxii ugu daraja sarreeyay ee lagu afduubo gobolkaasi.

Ragga weerarka qaaday oo deegaanka looga yaqaanay burcad ayaa gudaha u galay qasriga Alhassan Adamu oo 83 jir ah, ahna amiirka qowmiyadda Kajuru, wuxuuna gurigiisu ku yaalaa duleedka caasimada gobolka Kaduna. Waxaa dhibaneyaasha ka mid ah haween iyo caruur.

“Dableyda ayaa abaaro 12:30 saq dhexe si xoog ah qasriga u galay iyagoo afduubtay amiirka iyo 12 qoyskiisa ah,” ayuu yiri Saidu Musa oo uu boqorku awoowe u yahay, wuxuuna sheegay in kuwa wax afduubtay aysan wali la soo xiriirin.

Ilo wareed kale oo ka tirsan qoyska ayaa sheegay in amiirku uu ka sii war hayay in uu jiro afduub ka dhan ah oo la qorsheynayay.

AFP

XS
SM
MD
LG