Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Farxaan Qaroole oo ka badbaaday qarax lala beegsaday kolonyadiisa


Farxaan Qaroole

Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari, kaasi oo lagu weeraray taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan oo loo yaqaan "Farxaan Qaroole" oo isagu ka badbaaday qaraxaasi.

Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijisay wakaaladda wararka dowladda u faafisa ee SONNA.

Wariyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Cabdulle ayaa soo sheegay in goobta qaraxu ka dhacay ay gaareen hay'adaha amniga iyo kuwa caafimaadka.

Muqdisho waa meesha ugu badan oo ay ka dhacaan qaraxyada ismiidaaminta ah iyo kuwa loo adeegsado gawaarida, kuwaas oo lala beegsado bartilmaameedyo kala duwan.

Qaraxyadaas ayaa waxay sababaan in dad badan ay ku dhintaan kuwa kalana ay ku dhaawacmaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG