Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax xooggan oo ka dhacay dekadda ugu weyn dunida


Dekedda Jebel Ali Port
Dekedda Jebel Ali Port

Dab ka dhashay qarax markab xamuulka qaada oo ku xiranayay dekedda Jebel Ali ee magaalada Dubai ayaa lagu guuleystay in la damiyo, waxaana uu ka dhashay qaraxan shil caadi ah, sida uu xaqiijiyay Xafiiska Warbaahinta Dubai.

Booliska ayaa sheegay in 3 konteyner oo ka mid ah 130 konteyner oo markabkaasi saarnaa ay ku jireen walxaha ololi kara, waxaana markabkan waxaa saarnaa 14 shaqaale ah.

Lama oga wali sababta qaraxa, balse booliska Dubai ayaa laga soo xigtay inay sheegeen in sababta qaraxa ay noqon karto heer kulka oo aad u sareeyay xilligan lagu jiro bilalaha xagaaga.

Xafiiska warbaahinta Dubai ayaa bayaan ka soo baxay waxaa lagu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah ama dhaawac ah oo shilkaasi ka dhacay.

XS
SM
MD
LG