Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baarlamanka Israel oo diiday sharci ka dhan ahaa Carabta Israel


Baarlamaanka Israel ayaa diiday in uu cusbooneysiiyo sharci ku meel gaar ahaa oo markii ugu horeysay la meel-mariyay 2003-dii, kaasi oo ka hor-istaagayay xaasaska muwaadiniinta Carabta ah ee Israel ee ka soo jeeda dhulka la haysto ee Daanta galbeed iyo Gaza in ay helaan degenaanshaha ama dhalashada Israel.

Codeynta baarlamaanka oo la qabtay Talaadada maanta ah ayaa ku dhammaatay 59-59, waxayna ka dhigan tahay in sharcigu uu ku dhammaanayo saacado gudahood. Sida uu sharcigani qabo, muwaadiniinta Carabta oo lagu qiyaaso shan meelood meel shacabka Israel, ayaa waxa ay haysteen fursado kooban oo ay xaasaskooda kaga keeni kareen Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza.

Dadka dhaleeceeya sharcigan, oo ay ku jiraan sharci-dejiyeyaal badan oo ah garabka bidix iyo kuwa Carabta ah, ayaa ku qeexa in uu yahay tallaabo cunsurinimo ah oo lagu xaddidayo koritaanka carabta Israel ee laga tirada badan yahay. Laakin siyaasiyiinta taageersan ayaa sheegaya in sharcigan loogu baahan yahay amniga Israel awgii iyo in la ilaaliyo in Israel ay ahaato dal ay Yuhuuddu leedahay.

XS
SM
MD
LG