Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malyuun Cabdullahi oo ka hadashay tacaddiyo loogu geystay Sacuudiga


Soomaali tiro badan oo isugu jira carruur iyo dad waaweyn ayaa sanad walba taga dalka Sucuudiga si ay halkaas uga soo xoogsadaan, Islamarkaana naftooda iyo qoysaskoodaba wax ugu taraan.

Badi Soomaalida u shaqada taga Sucuudiga ayaa la kulma tacaddiyo kala duwan oo ay u dheer tahay helitaanka sharci ay dalkaas ugaga sii shaqaysan karaan kadibna waxa dib logo soo mastaafuriyaa Soomaaliya.

Wariyaha VOA ee Boosaaso Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan ku eegaysa Malyuun Cabdullahi Sheekh Cumar, oo ah gabar iyada oo 12 jir ah Sucuudiga u shaqo tagtay, halkaasi oo tacaddiyo kula kulantay, kadibna haatan laga soo mastaafuriyay iyada oo 22 jir ah.

Malyuun Cabdullahi oo ka hadashay tacaddiyo loogu geystay Sacuudiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00


XS
SM
MD
LG