Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo 19 qof ka afduubatay bartamaha Syria


Daacish
Daacish

Maleeshiyo gacansaar la leh kooxda Daacish ayaa afduubtay ugu yaraan 19 qof oo u badna dad rayid ah, kaddib markii ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen magaalada Al-sa'an ee bartamaha wadanka Syria.

Afduubkan oo Talaadaadii dhacay waxaa sideed ka mid ah dadkan ay ka tirsanaayeen ciidanka Syria, halka 11-ka kalena ay ahaayeen dad rayid ah.

Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay qof rayid ah, halka ay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay qortay wakaalada wararka ee SANA.

In kasta oo Daacish laga saaray dhulkii ay heysteen bishii Maarso 2019, hadana waxay sii wadaan weerarro waxyeello leh oo ka dhaca Syria oo dhan, waxaana toddobaadyadii la soo dhaafay, kooxdan maleeshiyada ah ay sidoo kale bartilmaameedsadeen xoogagga Dimuqraadiga bariga Syria ee Mareykanku taageero.

Agaasimaha hay'adda kormeereyaasha Syria ee fadhigeedu yahay Ingiriiska Rami Abdurahman ayaa sheegay inkasta oo ku dhawaad maalin kasta ay duqeymo cirka ah fuliyaan Russia oo ah xulufada ugu weyn Syria, haadana Daacish ay weli khatar ku yihiin Syria iyo xoogagga madaxweyne Bashar al-Assad.

"Daacish waxay ku tiirsan tahay unugyada yar yar ee awooda u leh inay ku dhex dhuuntaan goobaha gacanta ugu jira taliska Asad iyo meelaha dadku ku badan yihiin, isla markaana ay fuliyaan weeraro deg deg ah," ayuu u sheegay VOA oo telefoonka ku wareysatay. "Maleeshiyadan waxay si fiican u yaqaanaan meelaha ay ku dhuumaalaystaan iyo meelaha kale ee ku yaal Syria sida Badiya." ayuu Rami Abdulrahman sii raaciyay.

Abdulrahman ayaa intaa ku daray in lamadegaanka Syria, ee loo yaqaan Badia, ay ka dhaceen afduubyo badan oo ay geysteen maleeshiyada Daacish bilihii la soo dhaafay.

XS
SM
MD
LG