Isku xirrada

War Deg-Deg ah

4,000 oo qof oo maalin gudaheed COVID-19 ugu dhimatay Brazil


Dadka qabriyada qoda oo diyaarinaya godad lagu aaso dadka uu dilay COVID-19 ee magaalada Sao Paulo.
Dadka qabriyada qoda oo diyaarinaya godad lagu aaso dadka uu dilay COVID-19 ee magaalada Sao Paulo.

In ka badan 4,000 oo qof ayaa 24-ki saac ee lasoo dhaafay cudurka COVID-19 ugu dhimatay dalka Brazil, taasoo ka dhigtay khasaaro nafeed tii ugu badneyd ee maalin gudaheed laga diiwaangeliyo dalka ugu weyn Koofurta Ameerica.

Wasaaradda caafimaadka Brazil ayaa Talaadadi shaacisay, in 4,195 ay 24-ki saac ee lasoo dhaafay cudurka COVID-19 ugu dhimatay guud ahaan dalkaasi. Wasaaraddu waxay sheegtay in tirada dhimashada ay sii kordheysay tan iyo bishii February ee sannadkaan.

Faafista cudurs-sidaha keena xanuunkan ayaa sare u sii kaceysay dhowrki bilood ee lasoo dhaafay. Khubarrada caafimaadka Brazil ayaa arrintaasi ku sababeeyay, nuucyada cusub ee xanuunka oo soo badanaya iyo dadka oo aanan dabaqeyn kala fogaanshaha.

Haddii ay xaaladda sidaan ku sii socoto, kubarradu waxay saadaalinayaan in Brazil uu noqon doono dalka ugu dhimashada badan cudurka COVID-19 guud ahaan caalamka.

Mareykanka ayaa kaalinta koowaad wali ku jira, waxaa xanuunka ugu dhintay in ka badan 555,000 oo ruux, halka Brazil ay tirada dhimashada mareyso ku dhawaad 337,000 oo qof.

XS
SM
MD
LG