Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Iran iyo Quwadaha Caalamka oo kulmay

This combined photo released by the Iranian Foreign Ministry, shows Iranian diplomats attending a virtual talk on nuclear deal with representatives of world powers, in Tehran, Iran, Friday, April 2, 2021. The chair of the group including the European Unio

Iran iyo dalalka loogu yeero quwadaha dunida ayaa Talaadadi shalay yeeshay, wax ay ku qeexeen ‘Wadahadal Wax ku-ool ah’ si xal loogu helo barnaamijka niyukleerka Iran.

Dhinacyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen, dhismaha guddi kasoo shaqeyn doona sidii uu Mareykanka cunaqabeynta uga qaadi lahaa Iran, iyo sidi ay Tehran u joojin laheyd bacriminta maaddada yuraaniyamta ee laga sameeyo hubka niyukleerka.

Wadahadalki Talaadadi shalay ayaa waxaa ka qeybgalay, wakiillo ka kala socday dalalka Iran, Britain, China, France, Germany iyo Russia. Kulanka oo uu guddoomiyay Midowga Yurub ayaa waxaanan ka qeybgalin Mareykanka.

Dhex-dhexaadiyaal ka socda Yurub ayaa isku dayaya in ay magaalada Vienna ee caasimadda Austria isugu keenaan, saraakiil ka kala socda Washington iyo Tehran, si la isugu dayo in dhammaan dhinacyada ku lugta leh ay dib ugu soo laabtaan heshiiskii sannadki 2015-ki ee niyukleerka Iran.

Madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa Mareykanka ka saaray heshiiskaas sannadki 2018-ki, taasi waxay keentay in markiiba ay Iran sare u qaaddo bariminta barnaamijkeeda niyukleerka.

XS
SM
MD
LG