Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Koonfur Galbeed oo toogtay laba Shabaab ah


Shabaab

Wararka ka imanaya maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ciidamada amniga ay toogteen laba nin oo la aamisan yahay inay ka tirsanaayeen ururka Al-Shabaab habeennimadii Axadda.

Labada nin ayaa mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ay sheegeen inay qorshaynayeen inay miino ku aasaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Qansaxdheere.

Xogtaasi ayaa la sheegay inay heleen laamaha amniga, ayna ka hortageen. Ciidamada ayaa toogtay raggaasi, waxayna gacanta ku dhigeen qori AK47 ah iyo bastoolad, sidaasi waxaa VOA u sheegay sarkaal codsaday inaan magaciisa la sheegin.

Sidoo kale ciidamada ayaa qarxiyey miinada ay maleeshiyaadka doonayeen inay ku aasaan garoonka Qansaxdheere.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG