Waxaa gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ku soo kordhaya falalka amni darrada ah ee ay ka mid tahay dilalka iyo israsaaseynta magaalada dhexdeeda ah.
Arrintan ayaa imaaneysa xilli ay dhowaan gobolkaasi ka dheceen banaanbaxyo iyo rabshado ka dhashay dil nin madow ah oo lagu magacaabi jiray George Floyd.
Haddaba, maxaa dib u soo celiyey dilalka iyo is-rasaaseynta dhexmara dhallinyarada Soomaalida ah ee Minneapolis? Su’aashaasi iyo kuwa kale ayuu wariyeheenna, Maxamuud Mascadde weydiiyey Cabdirahmaan Muqtaar oo ka shaqeeya arrimaha dhalinyarada.