Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali laga qaaday Yemen oo la geeyey Berbera


Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ku dhawaad 4,300 oo Somali qaxooti ku ahaa dalka Yemen dib ugu celisay Somali tan iyo 2017-kii.

Barnaamij ay fududeeysay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, oo kaashaneysa hey’adaha arrimaha bani aadnimada ka shaqeeya, masuuliyiinta Yemen iyo dowladda Soomaaliya oo dib loogu celinayay qaxootiga ku go’doonsanaa dalka Yemen ayaa dib loogu celiyay qaxooti gaaraya 4300 oo Somali ah tan iyo sanadkii 2017kii.

Waxaa ugu dambeeyay dadkaasi la celiyay sida ay sheegtay UNHCR 125 qof oo isugu jiray dumar, rag iyo caruur oo dooni ay ka qaaday Dekedda Cadan ee dalka Yemen galabtii Arbacadii la soo dhaafay.

Doontaas ayaa gaartay dekedda Berbera khamiistii shalay, maalmo ka hor maalinta ciidda.

Dadkaasi laabtay ayaa isugu jiray sida ay sheegtay Qaramada Midoobay Somali ku dhalatay dalka Yemen iyo kuwa waalidkooda ay qaxootinimo halkaasi ku geeyeen, iyagoo raja ka qaba inay kaga nabad galaan colaaddii iyo amni daradii ay Soomaaliya uga carareen.

Yemen oo hadda lagu tilmaamo meesha mushkiladda bani aadnimo ee ugu baaxadda weyn ay ka jirto Dunida oo dhan ayaa dadku ay wajahayeen xaalad halis ku ah noloshooda, taasoo ka sii dartay nolosha dadkii Qaxootiga iyo megangalyo doonka ku ahaa.

Qaxootiga Soomaalida ayaa ka ah 90 boqolkiiba qaxootiga iyo dadka megangalyo doonka ah ee ku nool dalka Yemen oo haatan lagu qiyaaso ilaa iyo 250 kun oo qof.

Dhaqdhaqaaqa qaxootiga ee Somalia iyo Yemen ayaa soo bilowday sanadkii 1980tamaadkii. Waxeyna sii socdeen markii ay dowladdii dhexe burburay ee dagaalka sokeeye la galay.

Iyadoo dad badan ay ka cararayeen rabshadaha guud iyo cabsi shaqsiyadeed ayaa kuwo kale ay ka baxsanayeen abaaro iyo gaajo soo noqnoqday oo dhaxalsiiyay fursado la’aan dhinaca nolosha ah.

Colaadda ka jirta Yemen awgeed qaxooti badan oo Yemen ku nool ayaa xiriiro la sameeynayay UNHCR si ey ugu fududeyso in dalkooda dib loogu celiyo.

Ilaa iyo 33 jeer ayaa lagu qaaday qaxooti Soomaali ah safaro ay qabanqaabisay UNHCR tan iyo 2017kii.

Waxaa kaloo dadkaasi la celintooda gacan ka geysatay hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ee IOM.

XS
SM
MD
LG