Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Federica Mogherini oo booqasho ku tagtay Muqdisho


Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho.

Mogherini ayaa waxa ay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada ugu waaweyn beesha caalamka ee taageera Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sannadkii hore ansixiyey lacag dhan 116 milyan oo dollar oo ah lacag lagu taageerayo miisaaniyadda Soomaaliya, waxayna ahayd markii ugu horraysay ee taasi ay dhacdo 27 sano.

Midowga Yurub iyo dawladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay goor dhow soo wada saaraan war-murtiyeed ku saabsan safarkaasi iyo qodobada laga hadlay.

XS
SM
MD
LG