Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amniga masaajidada Mareykanka oo la adkeeyey


Masaajidada ku yaalla dalka Maraykanka ayaa wali waxaa la soo darsaya cabsi uga imanaysa kooxaha xagjiriinta ah ee Islaamka neceb, kadib markii toddobaadkan masjid ku yaalla gobolka Connecticut dab la qabadsiiyay.

Masaajidada qaarkood ayaa sheegay in hanjabaado loo soo diray. Laakiin, ilaalada gaarka ah ee masaajidada iyo hay'addaha amniga maxaliga ah ayaa iska kaashanaya sugida amniga xilliyada habeenkii ee lagu tukanayo taraawiixda.

Dhinaca kale, maamulka masjidka Al-Salaam oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota iyo dad taageersan ayaa ku hor dibad baxay hay’adda maamusha goobaha lagu nasto ee magaalada Minneapolis, kadib maamulka beeraha lagu nastaa uu masjidka u diiday dhul banaan oo maamulka masjidku doonayey inay noqoto meel dadka salaadda u imanayaa ay baabuurta dhigtaan.

Waxaa dibadbaxa qeyb ka ahaa Jeylani Xuseen, oo ah madaxa laanta gobolka Minnesota ee ha’yadda CAIR oo ah hay’ad u doodda xuquuqda dadka Muslimiinta ah.

Cabduqaadir Maxamed Mursal iyo Cabdixakkim Maxamuud Shirwac ayaa noo haya warbixino arrintaas la xiriira.

Dhageyso Amniga Masaajidda
please wait

No media source currently available

0:00 0:11:07 0:00

XS
SM
MD
LG