Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sacuudiga iyo Iran oo ka jawaabay go'aanka Mareykanka


Sacuudi Carabiya ayaa maanta soo dhoweysay go’aanka Mareykanka uu ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ugu calaameeyey urur argagixiso.

“Go’aanka Mareykanka waxa uu daba socdaa dalabyadii joogtada ahaa ee Boqortooytada ay ugu jeedisay beesha caalamka inay wax ka qabtaan argagixisada ay Iran taageerto” waxaa sidaas lagu yiri qoraal lagu baahiyey wakaaladda wararka Sacuudiga ee SPA, oo soo xiganeysa ilo-wareed ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda.

Ilo-wareedkan ayaa tallaabada Mareykanka ku qeexay “tallaabo dhab iyo ficil ah” oo loo qaaday in wax looga qabto waxa Sacuudiga ay ku qeexeen faro-gelinta Iran ee arrimaha gobolka.

Go’aanka Washington ay qaadatay Isniintii ayaa noqonaya markii ugu horreysay oo Mareykanka uu ciidamada waddan kale ku calaameeyo urur argagixiso.

Waxa uu macnaheedu yahay in qof kasta oo la macaamila ciidamada Ilaalada Kacaanka islaamiga ah ee Iran uu wajahyo inuu xabsi ku galo dalka Mareykanka.

Dhinaca kale, madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani ayaa sheegay in Mareykanka uu yahay “hoggaamiyaha dhabta ah argagixisada dunida.”

“Yaad tahay marka aad hay’adaha Kacaanka ku caalameeneyso argagixiso” ayuu Rouhani ku yiri khudbad laga sii daayey taleefishinka qaranka.

Rouhani ayaa ku difaacay Ilaalada Kacaanka inay yihiin ciidamo la dagaalamayey aragagixisada tan iyo sanaddii 1979-kii, markaasi oo la aas-aasay.

“Yaa maanta dhiiri-geliya argagixisada dunida, yaa Daacish u adeegsada aalad ahaan, xitaa maanta Mareykanka waxay qarinayaan madaxda Daacish, mana doonayaan inay dalalka gobolka u sheegaan halka ay joogaan madaxda Daacish” ayuu yiri Rouhani.

Iran ayaa go’aanka Mareykanka uga jawaabtay ayada oo ciidamada Mareykanka ku calaameysay inay yihiin argagixiso.

XS
SM
MD
LG