Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rasaas laga maqlayo Khartoum iyo dibad-baxyo weli socda


Rasaas ayaa maanta laga maqlayey dibedda xarunta ciidamada milatariga dalka Sudan ee magaalada Khartoum, ayada oo dibad-baxyada lagu dalbanayo inuu is-casilo madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ay galeen maalintii 4-aad oo xiriir ah.

Koox dibad-baxayaal ah oo aad u ballaaran ayaa hor deganaa dibedda xarunta tan iyo maalintii sabtidii, waxayna dalbayanaan inuu soo geba geboobo xukunka 30 jirka ah ee madaxweyne Al-Bashir.

Xarunta ciidamada milatariga, ayaa waxaa sidoo kale ku yaalla guriga Al-Bashir iyo xarunta wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka arrimaha gudaha Sudan, Bushara Juma ayaa isniintii sheegay in ugu yaraan 10,000 oo dibad-baxayaal ay isugu baxeen dibedda xarunta ciidamada milatariga, taasi oo ah mid ka mid ah isu soo baxyadii ugu weynaa tan iyo markii mudaahaaradyada ka dhanka ah Al-Bashiir ay billowdeen 3 bil ka hor.

Lix qof ayaa lagu dilay magaalada Khartoum markii ciidamada ammaanka ay rasaas ku kala cayriyeen dibad-baxayaasha. Sidoo kale, qof kale oo shacab ah ayaa ku dhintay dibad-bax kale oo ka dhacay magaalada Darfur.

Dibad-baxyada Sudan ayaa billowday 19-kii December 2018, markaasi oo qaar ka mid ah shacabka ay dowladda Al-Bashiir ku eedeeyeen inay si xun u maareysay dhaqaalaha dalka, taasi oo sababtay sare kac ku yimid qiimaha cuntada iyo shidaalka.

Abaabulayaasha dibad-baxa ayaa ugu baaaqay dadka degan Khartoum iyo hareeraheeda inay kusoo biiraan mudaaharaadka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG