Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Atalanta oo kusoo dhawaaneysa Yurub


Duvan Zapata

Kooxda Atalanta ee dalka Talyaaniga ayaa hal dhibic oo kaliya usoo jirsatay kaalinta afraad ee horyaalka oo ay hadda ku jirto Milan, kaddib marki ay xalay 4-1 ku garaacday Bologna.

Saddex ka mida goolasha ay ku badisay waxay ciyaartooyda Atalanta keeneen 15-ki daqiiqo ee ugu horreysay, waxaana labo ka mid ah si qurux badan u dhaliyay laacibka u dhashay dalka Slovenia Josip Iličić.

Goolasha kale waxaa kala qeybsaday Hans Hateboer iyo Duvan Zapata oo dhaliyay goolkiisii 20-aad ee xilli ciyaareedkan uu ka dhaliyo Serie A-da Talyaaniga.

Natiijadani waxay qarka u saareysaa Atalanta in ay ka mid noqoto kooxaha xilli ciyaareedka danbe ka qeybgali kara koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Waxaa iyadana goolal intaasi la eg ku badisay Sassoulo oo 4-0 ku karbaashtay Chievo. Laba ka mida goolasha waxaa Sassuolo u dhaliyay laacibka u dhashay dalka Turkiga ee Merih Demirel.

Berri galab iyo habeen danbe waxaa jira saddex kulan oo ka tirsan horyaalka Talyaaniga, waxaana kulan ugu adag uu dhexmari doonaa Juventus iyo Milan oo isku arki doona magaalada Turnin.

Juve horyaalka ayay u dabaaldagi kartaa haddii ay Milan ka badiso, isla markaana kooxda kaalinta labaad ku jirto ee Napoli ay ku khasaarto kooxda Geneo habeenka Axada.

Ciyaaraha kale ee berry, Torino waxay la dheeli doontaa Parma, halka Roma ay foodda dari doonto Sampdoria.

Dhinaca Spain ee La Liga waxaa xalay dhacay saddex kulan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG