Abshir Jaamac Abshir, waa wiil yar oo sameeya sawirrada farshaxanka gacanta, waxuu ku nool-yahay magaaladda Muqdisho, waxuuna todobaadkan soo saarey mid ka mid ah sawiradiisa ugu hadal haynta badnaa.
Abshir ayaa sawirey hoggaamiyaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, waxaan uu noqdey sawirkaasi mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada.
Abshir waxaa hore u sawiri jirey Xayawaanka iyo Deegaanka. Sahra Cabdi Axmed ayaa khadka telefoonka ee Muqdisho kula xariirtey Abshir Jaamac Abshir, waxeyna ugu horeyntii waydiisey inuu ka sheekeeyo xirfadiisa.
Facebook Forum