Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xeer-beegti loo Xulayo Dacwadda Sarkaal Noor


Sida aan idaacadayada marar badan horay uga baahinnay, bishii July ee sanadkii 2017kii, sarkaal ka tirsanaa booliiska gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka, laguna magacaabo Maxamed Nuur ayaa toogasho ku dilay haweenay u dhalatay dalka Australia oo lagu magacaabo Justine Damond.

Sarkaalkan ayaa lagu eedeeyey in falkii uu geystay uu ahaa mid si beylahi ku jirto uu u qaaday, dalkii uu geystana isagu mas’uul ka ahaa.

Haddaba Isniintii shalay ayaa waxaa bilaabmay soo xulista xeer beegtidii sarkaal Nuur xukumi lahayd.

Wariyaha VOAda ee gobolka MN, Maxmuud Mascadde ayaa haddaba habka xeerbeegtida loo soo xulo iyo go’aanka la fili karo uu ka wareystay Garyaqaan Cabdiwaaxid Sheekh Cusmaan Qaline oo ka hawlgala gobolka MN.

please wait

No media source currently available

0:00 0:07:16 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG