Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-faahinta Doorashooyinka Hoose ee Turkiga


Madaxweyne Erdodan oo codkiisa dhiibanaya

Waxaa galabta shanti soo xirmay goobaha codbixinta ee dhamaan 81 gobol ee uu ka koobanyahay Turkiga, kaddib marki ay dadka codadkooda ka dhiibteen doorashooyinka dowladaha hoose.

Ku dhawaad 57 milyan oo ruux oo Turkish ah ayaa la rumeysanyahay in ay ka qeybgaleen doorashadan oo ay shacabka ku dooranayaan duqoowda magoolooyinka, guddoomiyaasha degmooyinka, xaafadaha iyo xildhibaanadda golayaasha deegaank.

Ololihi doorashadan maanta ayaa waxaa hareeyay uguna weynaa dhaqaalaha, kaddib marki sannadki tagay uu aad u kordhay sicir bararka iyo shaqo la’aanta waddanka.

Dadka ka faallooda siyaasadda Turkiga ayaa ku warramaya in doorashadan ay dhanka kale marka laga eego ay tijaabo u tahay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo xisbigiisa Caddaaladda iyo Horumarka ee Ak.

Madaxweyne Erdogan, ayaa 16-ki sano ee lasoo dhaafay ahaa hogaamiyaha waddanka, isaga oo awoodaha uu leeyahayna ku helay dhaqaalaha oo uu wax weyn ka qabtay, taasoo ay dadku Turkigu ku tilmaameen inuu noqday hogaamiyaha Turkiyada cusub.

Hase yeeshee doorashadani ayaa laga cabsi qabaa inuu lumiyo magaalooyinka Istanbul oo ay ku noolyihiin 15 milyan oo ruux iyo Ankara oo ah caasimadda iyo magaalada labaad ee ugu weyn waddanka, isla markaana ay ku noolyihiin 5 milyan oo ruux.

Haddaba wariyaha VOA-da Nuur Bukhaari ayaa wararki ugu danbeeyay ka wareystay Bashir Macallim Khalif oo ah saxafi madax bannaan oo dagan dalka Turkiga.

please wait

No media source currently available

0:00 0:05:52 0:00



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG