Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhaajiriin markab ku afduubtay xeebaha Libya


Markabka Elhiblu 1
Markabka Elhiblu 1

Markab xamuul oo koox muhaajiriin ah ay ka afduubteen xeebaha Libya ayaa kusoo xirtay dalka Malta, kadib markii ciidamada Malta ay la wareegeen gacan ku hayntiisa.

Markabkan oo lagu magacaabo Elhiblu 1, ayaa 108 muhaajiriin ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ka qaaday badda, wuxuuna u jihaystay xeebta magaalada Tripoli.

Hase yeeshee markii uu lix mile u jiray dekedda ayuu durba kala wareegay una jihaysta dhinaca waqooyi ee Yurub.

Wasiirka arrimaha gudaha Italy ee midigta fog, Matteo Salvini ayaa sheegay in markabka la afduubtay, islamarkaana muhaajiriinta saaran aan loo ogolaan doonin inay soo caga dhigaan Talyaaniga.

Markabkan ayaa markii uu marayey meel 30 mile u jirta xeebta Malta, waxaa xiriir la sameeyey ciidamada badda Malta.

“Kabtanka markabka ayaa ku cel-celiyey inuusan gacanta ku hayn maamulka markabka, islamarkaana isaga iyo shaqaalihiisa ay qasbeen islamarkaana u hanjabeen muhaajiriin doonaya inuu geeyo Malta” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Malta.

Ciidamada Mata oo adeegsanaya doomo dheereeya iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa u gurmaday, kuwaas oo la wareegay hoggaankiisa kadibna u jiheeyey dalkaas oo iminka uu ku xirtay.

Booliska Malta ayaa xiray afar nin, waxaana muhaajiriinta kale lagu daad gureeyey basas, sida ay sheegeen goobjoogeyaal.

XS
SM
MD
LG