Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo duqeysay Marinka Gaza


Diyaaradaha dagaalka Israel ayaa maanta duqeyn ka fuliyey Marinka Gaza, halka milatariga Israel ay sheegeen in weli ay socdaan gantaallada laga soo tuurayo dhulka Falastiiniyiinta.

Rabshadahan oo ka billowday gantaal Insiintii laga soo tuuray Gaza oo toddoba qof ku dhaawacay guri ku yaalla waqooyiga magaalada Tel Aviv, ayaa galay maalintii labaad, inkasta saraakiisha Falastiin ay ku dhawaaqeen xabad joojin ay dhex-dhexaadisay Masar.

Diyaardaaha dagaalka Israel ayaa sidoo kale habeenkii Isniinta duqeeyey dhowr bartilmaameed oo ku yaalla Marinka Gaza, oo uu ku jiro xafiiska hoggaamiya kooxda Xamas.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymahan.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa booqasho ku joogay Washington markii gantaalka uu ku dhacay Tel Aviv. Intii uu socday kulan uu la lahaa madaxweyne Trump, ayuu yiri “Israel uma dulqaadan doonto middan, Uma dulqaadan doono middan”

Xogahayaha guud ee QM, Antonio Guterres ayaa yiri “waxaan aad uga walaacsanahay xaaladihii ugu dambeeyey ee Marinka Gaza.”.

Waxa uu gantaalka ay Xamas soo tuureen ku qeexay “xad gudub weyn oo aan la aqbali karin” wuxuuna dhammaan dhinacyada ugu baaqay inay is xakameeyaan.

XS
SM
MD
LG