Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shaqaalo gar-gaar ah caalami ah oo u jiheystay dalalka dhaca K.Afrika


Shaqaalaha hey’adaha gar-gaarka ee caalamiga ah ayaa maanta u jiheystay bartamaha dalka Mozambique, si ay u gaaraan tobannaan kun oo ay saameeyeen fatahaado khasaaro xoog leh geystay oo ka dhashay duufaan todobaadkii hore ku dhufatay qeyb ka mid ah dalalka dhaca Koonfurta Afrika.

Duufaanta Idai ayaa martay dalalka Zimbabwe iyo Mozambique halkaas oo la rumeysanyahay in ay ku dishay boqollaal ruux.

Wali waxaa socda howlaha gurmadka, iyadoo ay sidoo kale hadda bilaabanayaan sidii gargaar cunto loo gaarsiin lahaa aagga ay duufaanta sida daran u saameysay.

Afhayeen u hadlay barnaamijka cuntada ee Q.M. ee loo soo gaabiyo WFP Gerald Bourke ayaa sheegay in ay si tartiib ah u bilaabeen balse ay dardargelin doonaan howlaha gargaarka.

Illaa iyo hadda tirada dhimashada ee la xaqiijiyay guud ahaan dalalka Mozambique iyo Zimbabwe ayaa gaaraya 400 ruux, ku dhawaad 1.7 milyan oo qof ayay ku reebeen saameeyn daran.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG