Isku xirrada

War Deg-Deg ah

10 ku Dhimatay Dagaal ka Socda Sh. Dhexe


Ugu yaraan toban qof ayaa lagu dilay tiro intaa ka badanna waa lagu dhaawacay ka dib dagaal u dhaxeeya laba maleeshiyo beeleed oo saaka ka qarxay degaan hoostaga degmada Cadale ee gobalka Shabellaha Dhexe.

Sida ay sheegayaan wararka degaanka laga helayo dagaalka ayaa saaka waabarigii ka bilaawday tuulo lagu magacaabo Burdheere halkaas oo sannadahii ugu dambeyay uu ka taagnaa muran dhuleed u dhaxeyay beelaha ay malayshiyaadkoodu dagaalamayaan.

Ma cadda in dagaalku istaagay, wayna adag tahay in warar sugan laga helo degaanka uu dagaalku ka dhacay maaddaama isgaarsiinta degaanka la sheegay in ay waxyeello kasoo gaadhay dagaalka socda.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG