Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Geelle oo Muqdisho ku sugan.


Geelle iyo Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu wadaa inuu xadhiga ka jaro dhismaha cusub ee safaaradda Djibouti ay ka dhisatay magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa shalay gaaray Muqdisho, isagoo si weyn uu u soo dhaweeyay dhigiisa Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Labada madaxweyne ayaa xarunta madaxtooyada kulan ku yeeshay, waxaana Geelle uu kulankaasi ka sheegay inuu aad u jecelyahay inuu arko Soomaaliya oo qeyrkeeda dhaafta oo soo ceshata karaamadeedii.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaa isaguna kulankaas uga mahadceliyay madaxweyne Geelle sida uu u bar-bar taagan yahay Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle iyo wafdigiisa ayaa xalay madaxweyne Farmaajo uu xarunta madaxtooyada ugu sameeyey casho sharaf, waxaana cashadaasi heeso badan oo madadaallo ah ka qaaday fannaaniin waaweyn oo Soomaaliyeed oo qaarkood la socday madaxweynaha Djibouti.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG