Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish


Degaanka Dhaadaar iyo tuulooyinka ku teedsan oo ka tirsan degmada Qandala ee gobolka Bari ee Punland ayaa isgaarisiintu ka go’nayd mudo 21 cisho ah, kadib marki halkaas uu dagaal ku dhex maray ururada Al-Shabaab iyo Daacish.

Ma jirto cid xog dhab ah ka haysa khasaaraha labada dhinaca ee halakaas ku dagaalamay.

Guddomiye ku-xigeenka degmada Qandala ee gobolka Bari, Cabdikhaaliq Maxamed Ismaaciil ayaa VOA u sheegay in dagaalkii ugu danbayey uu saddex maalin ka hor ka socday dhulka Buuralayda ah, ee degmada Qandala u jira 200 KM.

Waxa uu sidoo kale sheegay in qoysaskii degaanadaas ku noolaa ay intooda badan barakaceen.

Weriyaha VOA, Faadumo Yaasiin Jamac ayaa gudoomiye ku-xigeenka degmada Qanadala waraysi kula yeelatay magaalada Boosaaso.

please wait

No media source currently available

0:00 0:03:26 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG