Koox reer Syria ah ayaa dibad bax ka oogay magaalada Darcaa Axaddii shalay, kaasoo ay uga soo horjeedeen taagista taalo cusub oo Madaxweyihiii hore ee dalkaasi Xaafid Al-Asad ah, sideed sanadood ka dib markii Taaladdiisii hore ay dadku soo rideen oo ay burburiyeen.
Xaafidul Asad ayaa ahaa aabaha dhalay Madaxweynaha kali taliska ah ee hadda talada haya Syria Bashaar Al-Asad.
Magaalada Darcana waa meeshii uu ka bilowday kacdoonkii looga soo hirjeeday xukunka qoyska reer Asad ee soo bilowday sanadkii 2011kii, ee isu bedelay dagaalka sokeeye ee dhiiga badan uu ku daatay ee ilaa iyo maanta dalkaasi ka ololaya.
Dadkii isu soo baxay Axaddii shalay ayaa badankood waxay ku dhawaaqayeen “Syria ha noolaato – Bashaar al-Asadna ha dhaco”, iyagoo isugu jiray kuwo lugeynayay iyo ku mootooyin ama dhudhugleeyo saaraa.
Qaar kale oo dadkaasi ka mid ah ayaa ku goodinayay inay taaladaasi soo ridayaan, iyagoo ku eedeynayay Taliska Asad inuu Taalooyin ka dhisayo Darcaa intii uu magaalada dib u dhisi lahaa.
Xoogagga falaagada ee magaaladaas heystay ayaa ku wareejiyay Ciidamada Amaanka ee Syria sanadkii tagay, laakiin dadka deggan ayaa sheegaya in weli magaaladu aysan laheyn adeegga aas aasiga ah ee nolosha.
Facebook Forum