Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya iyo Kenya oo heshiis gaaray


Farmaajo, Uhuru iyo Abiy
Farmaajo, Uhuru iyo Abiy

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Kenya ay heshiis ku gaareen in dib loo soo celiyo xiriirka labada waddan, kadib wada-hadallo ay Nairobi ku yeesheen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta.

Xiriirka labada dal ayaa xumaaday 16-kii February markii Kenya ay soo cayrisya safiirka Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan islamarkaana u yeeratay safiirkeeda Muqdisho, Lucas Tumbo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta ay Nairobi ku yeesheen wada-hadallo miro-dhalay “oo ku koobnaa xal u helista mugdiga diblomaasiyadeed ee labada dal” ayna ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo, lana xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dowladood.

Wada hadalladan ayaa sidoo kale la sheegay in diiradda lagu saaray sidii dalalka gobolku ay isaga kaashan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, gobolkana loogu soo dabbaali lahaa nabadgelyo iyo xasillooni.

Wada-hadallada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed, oo Soomaaliya ay sheegtay inuu labada dhinac isku keenay.

XS
SM
MD
LG