Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo lagu dhalleeceeyey jawaabtii dilka Khaashuqji


Xubnaha Aqalka Senate-ka Mareykanka ee labada xisbi ayaa aad ugu dhaleeceeyey maamulka madaxweyne Donald Trump jawaabtii uu ka bixiyey dilkii suxufiga reer Sacuudi, Jamaal Khaashuqji loogu gaystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.

Waxa ay maamulka ku eedeeyeen inuu iska indho-tiray sharciga oo dalbaya inuu baaro islamarkaana shaaciyo kuwii ka dambeeyey dilka suxufiga oo dhacay bishii October ee 2018.

Senator Bob Menendez oo ah xubinta ugu sarreysay xubnaha dimoqraadiga ee guddiga xiriirka arrimaha dibedda ee Senate-ka ayaa jawaabta maamulka ee dilkaas ku sheegay “Mid laga carroodo, oo ah aflagaado iyo ceeb”

Menendez ayaa hadlayey kadib markii guddiga ay warbixin sir ah oo ku saabsan dilka ka heleen saraakiisha wasaaradaha arrimaha dibedda iyo maaliyadda Mareykanka.

Warbixinno is-daba joog ah ayaa sheegaya in CIA-da Mareykanka ay go’aamisay in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu amray dilka Jamal Khaashuqji.

XS
SM
MD
LG