Isku xirrada

War Deg-Deg ah

India oo duqeyn ka fulisay gudaha Pakistan


India Air Force
India Air Force

India ayaa sheegtay inay duqeysay xiro ay kooxda mintidiinta Kashmir ee Jaish-e-Mohammad ay ku leedahay gudaha dalka Pakistan.

Kooxdan ayaa dhowaan sheegatay mas’uuliyadda qarax is-miidaamin baabuur ahaa oo laba toddobaad ka hor lala beegsaday ciidamada sida milatariga u tababaran ee qeybta Kashmir ee India, kaasi oo lagu dilay 40 askari.

Xogahayaha wasaaradda arrimaha dibedda India, Vijay Gokhale ayaa weerarkan ku qeexay “mid ka hor-tag ah” oo ka dhashay xog sirdoon oo sheegaysay in kooxda Jaish-e-Mohammad ay qorsheyneysay weerar kale oo ismiidaamin ah oo ay ka fuliso India.

Gokhale ayaa sheegay in India ay u qaadday tallaabadan si ay u badbaadiso dhibaato soo gaarta shacabka.

Duqeymahan oo India ay sheegtay in lagu dilay mintidiin badan, ayaa sii xoojin doona xiisadda ka dhex oogan labada dal ee Nuclear-ka ku hubeysan ee India iyo Pakistan.

XS
SM
MD
LG