Isku xirrada

War Deg-Deg ah

NRC oo ka digtay dhibaato ka dhalata abaaraha Somaliland ka jira


Roob-yarri is daba jog ah oo laga baqayo inay ka sii jirto degaannada Soomaaliland, ayaa keeni karta in ay yaraadaan cuntada iyo daaqa deegaannada Somaliland, taas oo halisna abuuri karta, sida ay sheegtay hay'adda qaxootiga Norway (NRC).

Hay'adda NRC ayaa sheegtay in 725,000 oo qof ayaa qatar qarka u saaraan.

Madaxa hay'adda qaxootiga Norway ee Soomaaliya Victor Muses, ayaa sheegey in roob yaridaasi darteed ay keento in xaalad qatar ay la soo deristo kumannaan haween iyo caruur ah.

Roob la'aanta ka sokoow, Soomaaliland waxa kale caqabadaha gaajada u dheer colaadda joogtada ah ee gobolka Sool. Victor Muses waxa uu caalamaka ugu baaqayaa in 1.8 bilyan oo doollar la helo si dhibaatada looga hor-tago.

Haddii aan taageeradan la helin, waxa uu sheegay madaxa hay'adda qoxootiga ee Norway in uu qasaare nafeed iyo mid dhaqaaleba imaanayo.

XS
SM
MD
LG