Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dab ka kacay Bangladesh oo 70 ruux ay ku dhinteen


Dab xooggan oo burburiyay guryo badan oo ka kacay goob taariikhi ah oo ku taalla caasimadda dalka Bangladesh ee Dhaka ayaa galaaftay nolosha dad aan 70 ka yareyn.

Dabka ayaa xilli dambe oo xalay ah ka billowday mid kamid ah dhismeyaasha ku yaalla aagga Chawkbazar ka hor inta aanu si dhaqso badan ugu fidin afar dhisme oo kale.

Saraakiisha dab-damisku waxa ay sheegayaan, in inbadan oo kamid ah dadka geeriyooday ay ku go'doomeen gudaha dhismeyaasha. Ugu yaraan 50 ruux oo kale ayaa shilkaasi ku dhaawacantay

Sababta dabkan keentay ayaa wali la baarayaa. Dhismayaasha gubtay ayaa ahaa bakhaarro lagu keydiyo kiimikada iyo bacaha iyo walxaha kale ee sida dhaqsaha badan ku olola. Saraakiisha ayaa saadaalinaya in tirada dhimashadu ay sii korodho

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG