Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad rayid ah oo ku dhintay qarax ka dhacay duleedka Jowhar


Ugu yaraan laba qof oo shacab ah ayaa ku dhintay ka dib markii ay miino la qaraxdey gaari ay saarnaayeen dad rayid ah gelinkii dambe ee maanta. Dadkan ayaa ku safrayay waddada u dhaxeysa Jowhar iyo Balcad, sida ay dad goob-joogayaal ah VOA u sheegeen.

Gaariga miinada la qaraxday oo ahaa kuwa dhismaha ayaa marayay meel u dhow degaanka Il-baq oo horey ay uga dhaceen weeraro ay Al-Shabaab la beegsadeen gawaarida mas'uuliyiinta iyo kuwa ciidamada.

Lama oga ujeeddada loo bar-tilmaameed-saday baabuurkan shacabku ay saarnaayeen, waxaana weerarada halkaasi ka dhaca gaysta maleeshiyada Al-Shabaab.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG