Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Jaamacadda Hargeysa oo Billowdey Waxbarashada Ph.D


Mandaqadda Geeska Afrika ay inta badan waxa ka dhaca falal la xidhiidha amni-darro iyo waxyaabo nabadda waxyeelaya, isla markaana waxa jira dedaallo cilmiyan arrimahaasi xal loogu raadinayo oo ay ka mid tahay in aqoonta nabadda la kobciyo.

Markii u horreysay waxa Jaamacadda Hargeysa laga bilaabay waxbarashada sare ee Ph.D oo lagu baranayo cilmiga nabadda iyo horumarka, kuwaas oo ay bixin doonto jaamacadda Qaramada Midoobay ee University for Peace.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa arrimahaasi ka waraystay Agaasimaha Mac-hadka cilmibaadhista nabadda iyo xallinta is-maandhaafyada ee jaamacadda Hargeysa Naasir Maxamed Cali.

please wait

No media source currently available

0:00 0:04:32 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG