Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Patrick Shanahan oo booqanaya Afghanistan


Sii hayaha xilka xog-hayaha gaashaandhiga Mareykanka Patrick Shanahan ayaa maanta booqasho ku jooga dalka Afghanstan, si uu ula kulmo madaxda dalkaasi iyo taliska ciidamada Mareykanka ee ku sugan Afghanistan.

Booqashadan ayaa kusoo beegantay xilli uu meel wanaagsan marayo wadahadallada nabadda ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Taliban.

Shanahan ayaa u sheegay wariyaasha la safrayay inuu madaxda Afgahanstan kala hadli doono muhiimadda ku lug-lahaanshaha wadahadallada diiradda lagu saarayo waxa ka dhacayo waddankooda.

Xukuumadda madaxweyne Ashraf Ghani ayaanan qeyb ka aheyn wadahadallada hadda socda ee u dhaxeeya ergayga Mareykanka u qaabilsan Afghanistan Zalmay Khalilzad iyo Taliban.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG