Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barcelona iyo Real Madrid oo isku garab dhacay


El Clasico
El Clasico

Kooxaha Barcelona iyo Real Madrid oo xalay isku arkay magaalada Barcelona, lugta koowaad ee wareega afarta koox ee tartanka Copa del Rey ayaa iskula agdhacay barbarro 1-1 ah.

Real Madrid ayaa bilowgi ciyaartaba hogaanka qabatay kaddib marki uu daqiiqadii 6-aad uu gool u dhaliyay Lucas Vazquez , laakin Barcelona ayaa ka daba tagtay qeybti danbe ee ciyaarta.

Goolka bareejadana waxaa u saxiixay laacibka garabka ka ciyaara ee reer Brazil Malcom oo xalay ka ciyaarayay booska Lionel Messi oo dhaawac ka qaba bowdada.

Inkasta oo uu Messi dhaawac qabay, hadana macalinka kooxda Barcelona wuxuu ciyaarta soo geliyay qeybihi danbe balse ma yeelan wax saameyn ah.

Is araga labaad ee wareega Semi-finalka ayaa waxa uu 27-ka bishaan ku dhexmari doonaan labadan koox, garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid.

XS
SM
MD
LG