Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulankii nabadda Afghanistan ee Moscow oo lasoo geba-gebeeyey


Kooxda Taliban iyo hogaamiyayaasha saameynta leh ee mucaaradka dalka Afghanistan ayaa arbacadii soo geba gebeeyay “kulan nabadeed” laba maalmood uga socday magaalada Moscow

Labada dhinac ayaa si wada jir ah shaaca uga qaaday in ka bixitaanka ciidamada Mareykanka uu hogaamiyo ee ajnabiga ah ay muhiim u tahay nabad waarto oo ka dhalata dalka Afghanistan.

Ka qeyb-galayaasha kulankaas ayaa sidoo kale isku raacay in la taageero wada-hadallada tooska ah ee Mareykanka uu la leeyahay Taliban, si heshiis laga xaajooday looga gaaro dagaalka Afghanistan ee socda 18-ka sano.

Safaaradda Russia ee Kabul ayaa sheegtay in xubnaha qurba-joogta Afghanistan ee Russia ay soo abaabuleen wada-hadallada Moscow, in kasta oo wufuuddda shirka ay si hoose u qireen in xukuumadda Moscow ay kaalin weyn ka cayaartay agaasinka kulanka.

10 xubnood oo ka socda xafiiska Taliban ee dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay kulanka waxaana hogaaminayey madaxooda wada-xajaoodka Sher Muhammad Abbas Stanikzai.

Madaxweynihii hore ee Afghanistan, Hamid Karzai ayaa hogaaminayey koox ka kooban 40 siyaasi oo isugu jira saraakiil hore, musharaxiin madaxweyne, dagaal-oogeyaal, hogaamiyayaal qabiil iyo kooxaha xuquuqda dumarka.

XS
SM
MD
LG