Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burburka diyaaraddii Sala oo la helay


France-Sala
France-Sala

Koox quusayaal ah oo maalmahi lasoo dhaafay baarayay burburka diyaarad uu la socday laacibka reer Argentina Emiliano Sala taasoo ku dhacday biyaha u dhaxeeya Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa sheegay in ay heleen burburka diyaaradda iyo meydka hal qof.

Kooxdani ma aysan faah-faahin meydka ay heleen inuu yahay ciyaaryahan Sala iyo duuliyihi waday diyaarad khaas ah oo kasoo qaaday 21-ki Janaayo magaalada Nantes ee galbeedka dalka Faransiiska kuna sii wadday gobolka Weles ee dalka Ingiriiska halkaas oo ugu ciyaari rabay kooxda Cardiff City.

21 jirkaan u dhashay dalka Argentine ayaa loo badinayaa inuu ku dhintay shilkaas diyaaradeed.

XS
SM
MD
LG