Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda UK oo safiir cusub usoo magacowday Somalia


Ben Fender
Ben Fender

Dowladda boqortooyada UK ayaa maanta safiir cusub waxa ay usoo magacowday dalka Soomaaliya.

Safiirka cusub ee UK u fadhin doonaa waddanka Soomaaliya ayaa loo magacaabay Ben Fender, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray xafiiska arrimaha dibedda dalkaas.

Fender ayaa waxa uu xilka kala wareegi doonaa David Concar, marka la gaaro bisha Febraayo ee soo socota.

Concar ayaa la sheegay in xil kale oo diblomaasiyeed uu u wareegi doono, inkasta oo aan shaaca laga qaadin.

Ben Fender ayaa ka hor xilkan ahaa madaxa siyaasadda amniga ee xafiiska arrimaha dibedda UK, wuxuuna hore usoo noqday ku xigeenka howlgalka UK ee dalka Iran.

XS
SM
MD
LG