Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Juventus oo u dhawaatay horyaalkeedii 8-aad oo xiriir ah


Ciyaartooyda Juventus
Ciyaartooyda Juventus

Horyaalka Serie A-da Talyaaniga waxaa wali loo maaro la’yahay kooxda Juventus oo ciyaar adag oo ay xalay magaalada Roma kula dheeshay kooxda Lazio uga soo badisay 2-1.

Lazio oo qeybti hore ee ciyaarta aad ugu gacansareysay ciyaarta fursado badanna iska khasaarisay ayaa gelinki danbe ee ciyaarta hogaanka kula wareegtay gool uu kooxdiisa Juventus ka dhaliyay Emre Can oo ah laacib asal ahaan kasoo jeedo Turkiga balse u ciyaara xulka Jarmalka.

Juve waxay goolkaasi uga jawaabtay laba gool oo ay u kala dhaliyeen laba laacib oo u dhashay dalka Portugal, kuwaas oo kala ah Cancelo oo difaaca ka ciyaara iyo Ronaldo oo rigoore ugu dhaliyay goolka guusha.

Juventus oo rabta in ay markeedii sideedaad oo xiriir ah ku guuleysato horyaalka Talyaaniga, ayaa waxay hadda 11 dhibcood ka sareeysaa kooxda kusoo xigto ee Napoli.

Napoli Sabtidii ay bar barro 0-0 ah la dhaafi weyday AC Milan. Inter oo ku jirto kaalinta saddexaad ayaa khasaaro kala kulantay Axaddii ciyaarti ay magaalada Turin kula ciyaartay Torino. Waxaana ciyaartaasi ay ku dhamaatay gool uu Torino daqiiqadii 35-aad u dhaliyay Armando Izzo.

Ciyaarihi kale ee xiisaha lahaa waxaa ka mid ahaa tii dhexmartay Roma iyo Atalanta. Ciyaartaan ayaa Roma waxay afartanki daqiiqo ee ugu horeyay ku dhalisay 3 gool, balse Atalanta ayaa sameysay soo laabasho aanan caadi aheyn, kaddib marki ay iska soo magtay 3-di gool ee laga dhaliyay.

Sampdoria ayaa soo gashay kaalinta lixaad, kadib marki ay 4-0 ku qabatay kooxda Udinese, waxaa mar kale ciyaartaasi kasoo muuqday laacibka u dhashay dalka Talyaaniga ee Fabio Quagriarella oo dhaliyay labo ka mid ah goolasha.

Quagriarella ayaa barbareeyay riicord uu horay u sameeyay laacibki hore ee kooxda Fiorentina Gabriel Batistuta oo 11 kulan oo xiriir ah dhaliyay goolal horyaalka Talyaaniga,

Quagriarella wuxuu soo taabtay shabaqa dhamaan 11-ki kulan ee lasoo dhaafay waliba isaga oo ay hadda da’diisu tahay 35 sano, wuxu sidoo kale qabtay hogaanka gooldhalinta oo uu hadda leeyahay 16 gool.

XS
SM
MD
LG