Waxaa heer gaba gaba ah maraya Koobka Qaramada Asia ee maalmahaan ka socday magaalada Abu Dhabi ee caasimadda dalka Isutaga imaaraadka Carabta.
Afar waddan ayaa isugu soo haray tartanka. Ciyaarta ugu horreeya ee wareega semi-finalka ayaa waxaa ay goor dhaw dhexmari doontaa xulalka Iran iyo Japan.
Iran 43 sano ka hor ayaa ugu danbeysay inay qaado Koobka Asia, halka Japan ay shanti tartan ee ugu danbeysay ay saddex ka mid ah iyada ku guuleysatay, waana dalka ugu hanashada badan.
Sidoo kale dalalka uu xafiiltanka siyaasadeed iyo midka isboorti uu ka dhaxeeyo ee Qatar iyo Imaaraadka ayaa iyaguna berri isku arki doona garoonka kubadda cagta ee Mohamed bin Zayed ee magaalada Abu Dhabi.
Imaaraadka sannadki 1996-ki ayay tagtay finalka, halka Qatar aysan waligeed gaarin finalka koobkan.